Dhageyso: Jubbaland Oo ciidamada Ka talaaleysa Cudurka…

0

Jubbaland

Wasaarada Caafimaadka Dawlad Gobolleedka jubbaland ayaa bilowday in askarta ka howlgasha deegaanadaasi laga talaalo caabuqa Covid 19 si looga hortego faafida Cudurkaasi.

Deegaanka Dhoobleey ayaa askar tababar usocdo iyo qaar kale oo howlo amniga quseeyo ku jira lasiiyey Talaalka,waxaana Daraawiishta Jubbaland iyo Kuwa Xoogga dalka ay wadajir uqaadanayaan Is talaalidaasi.

Iskuduwaha Wasaarada Caafimaadka Jubbaland Laanta Dhoobleey Nuux Cusmaan Biixi ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka looga talaalay ka hortega Corono Viruska.

Deegaanada Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dadka Cudurka ugu geeriyoodeen Bishii lasoo dhaafay,tiro kalena ay ka caafimaadeen caabuqaasi karantiil ay galeen kadib.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA