Shir Hawiye Uga Furmay Galabta Muqdisho Oo Ka Dhan Ah Farmaajo

0

Capture

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Murashaxiinta Madaxweynaha utaagan,Siyaasiyiin,Waxgarad iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa ka furmay Hoteelka Jasiira Ee Muqdisho.

Kulankaan oo ah mid lagu diidan yahay sidala sheegay Muddo kororsiga Farmaajo sameystay ayaa waxa soo qaban qaabiyey Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Dhaqanka Hawiye ayaa sheegay in ay diidan yihiin Muddo kordhintii isbuuc ka hor sameysteen Hay’adaha Federaalka.

Hadalkaas markii uu ku dhawaaqayey waxaa hal mar wada istaagay oo uriyaaqay madaxda shirk aka qeyb galayey.

Abuukar Ganeey oo ku hadlayey magaca Dhaqanka Beesha Habar gidir ayaa cod dheer ku sheegay in hadii Farmaajo cid qabata la waayo ay iska qaban doonaan.

Nabadoon Cilmi Takar Guure oo afka Beesha Xawaadle ku hadlayey ayaa ka digay in Hawiye ay dagaal ku deg degaan hadii aysan danta ku qasbin,isagoo Farmaajo kula taliyey in dalka uusan dagaal u horseedin.

Shariif Sheekh Axmed,Xasan Sheekh Maxamuud,Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame,Xasan Cali Kheyre,C/qaadir Cosoble iyo Murashaxiin kale ayaa kusugan shirka.

NAGA FILO KHUDBADAHA SHIRKAASI LAGA JEEDINAYO