3 Horjooge Oo Laga dilay Al Shabaab kadib duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

0

Duqeyn

Duqeeyntaan diyaaradaha loo adeegsaday waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamka waxaana lagu dilay sadax horjooge oo katirsan Al shabaab.

Duqeeynta oo dhacday Xilligii Afurka kadib Talaadadii shalay ayaa waxa lagu dilay Seddexdaasi Xubnood tuulooyinka (Tawakal) iyo (Ugunji) oo hoostaga degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Warkaan oo laga soo xigtay saraakiil katirsan Ciidamadda Qalabka Sida waxay sheegeen in howlgalka sidii loogu talo galay udhacay.

Xubnahaan katirsanaa Al Shabaab ee duqeeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo ahaa madaxii canshuuraha ee deeganaada hanti wadaag ee gobolka shabeelaha hoose iyo Macalin yuusuf oo kamid ahaa Madaxda amniyaadtka gobolka shabeelaha hoose.

Saraakiisha ayaa intaasi kudaray sidookale duqeeynta inay kudhinteen 5 dagaalyahan oo amiiradaasi la dilay kula sugnaa deegaanada duqeynta laga fuliyey.