Dhageyso: Beeraleyda K/Galbeed Oo la barayo Naqshad Cusub

0

Unnamed (1)

Barnaamij lagula talinayo la socodka saadaasha Cimilada Beeraleyda Koonfur Galbeed ku dhaqan ayaa waxa laga daah furay Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Si aysan ugu kadsoomin xilliyada dabeylaha iyo roobka jiro tacabkoodana ugu khasaarin ayaa barnaamijkaan looga wacyi gelinayaa,iyadoo ay soo qaban qaabisey Wasaarada beeraha iyo waraabka K/Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada Baydhabo Yuusuf Barre ayaa ka hadlay ahmiyada ay beeraleyda uleedahay Barnaamijkaan.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha & Waraabka Maxamed Siidoow ayaa ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya beeraha inay ka taageeraan qalabka beeraleyda ubaahan yihiin.

Deegaanada Koonfur galbeed labadii sano lasoo dhaafay sidii la rabay tacabka ama Abuurka Beeraha sidii la rabay ma aysan aheyn,Roobkii la filayey oo aan xilligiisii ku da’in.

Halkaan hoose ka dhageyso codka