Wasiirka Waxbarshada XFS ayaa warbaxin ka dhageystay guddi loo xilsaaray diyaarinta qorshaha Istaraatiijiyadda Waxbarashada 5-ta sano ee soo socota
Guddigan oo ah khubaro Soomaaliyeed oo dal iyo dibad laga soo xulay ayaa madasha ku soo bandhigay howlaha u qabsoomay, waxaana ay sheegeen in ay gabo gabo u marayaan howshi loo xilsaaray.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada oo shirka soo xiray ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan Bahda Waxbarshada oo baahi weyn u qabta barnaamijkaan lagu horumirnayo Waxbarshada Dalka.
Wasiirka ayaa balan qaaday in la diyaarin doono wax walba oo ay u baahdaan iyada oo lala kaashanayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo bulsho waynta Soomaaliyeed.