Dhageyso: Soomaaliya Oo Udigtay Dawladaha Kenya & Jabuuti

0

Capture

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe oo ka hadlayey goordhaweyd Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay Go’aano cusub oo Dawlada Soomaaliya soo saartay.

Waxa uu ka hadlay ugu horeyn Xaalada Doorashada Soomaaliya iyo shakhsiyaadka uu sheegay inay hagar daameyn ku hayaan in Doorashada la qabto.

Wasiir Dubbe ayaa hoosta ka xariiqay inay Dawladaha Jabuuti iyo Kenya ay yihiin kuwo Caqabadaasi soo korortay qeyb ka ah,sidaas awgeedna ay kaga digayaan in ay saameyn togan ku yeeshaan Xaalada Doorashada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa ku celisey rajada ay ka qabto inay Midowga Africa,xal raadinta ka qeyb qaadato Khilaafka Doorashada in la sameeyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA