Dr Buurane oo Saaka lagu Dilay meel ku dhaw Xaruntiisa Muqdisho

0

177343816 300827024745962 8279938896140619129 N 357x381

Koox hubeysan ayaa waxay maanta barqadii ku dileen xaafada Al Baraka Ee Degmada Hodan Allaha unaxariistee Dr Xasan Cismaan Ciise oo loo yaqaanay (Dr Buurane).

Dableey bistoolado watay ayaa ku toogtay dhakhtarka meel ku dhaw Xarunta uu ka shaqeenayey Xaafada Al Baraka.

Dilka kadib ayey ka baxsadeen goobta iyadoo Dr Buurane meydkiisa laga qaaday Halkii lagu toogtay.

Waxa uu ahaa Dhakhtar ku takhasusay dhinaca daweynta Maqaarka,iyadoo la ogeyn cida dilkaasi ka dambeysay.

Ma jirto faah faahino kale oo laga helay Dilkaasi loo geystay Dhakhtarkaasi.