Midowga Africa oo ka shiraya Xaaalada Siyaasada Soomaaliya

0

Africa Union Au

Sida qorshuhu yahay kulanka maanta oo khamiis ah loo ballamay ayey Golaha Amniga iyo Nabada Ururka Midowga afrika ka yeelanayaan Xaalada Soomaaliya,sida lagu shaaciyey Saacado ka hor Qoraal lasoo bandhigay.

22/4/2021 saacada geeska Africa markay tahay 10 Barqanimo ayaa waxaa lagu wadaa in  Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay kulan xasaasi ah ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya, maadaama weli doorashada Soomaaliya la isku mari la’yahay.

Faah faahin guud lagama bixin kulankaasi iyo dhinacyada ka qeyb galaya sida ay uwajihi doonaan xaalada iyo shakhsiyaadka lagu casuumo.

Wararka waxay sheegayaan in ay ku baaqi doonaan Ururkaasi dib ugu laabashada doorasho ee wada hadalada loo baahnaa.

Si loo gaaro doorasho ku dhisan wadar ogol ayey Midowga Africa taageeri doonaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobeey oo iyagu ugu baaqay Saamileyda Soomaalida inay la yimaadaan falsafad doorasho wadar ogol ah.

Isbuuc ka hor hay’adaha Dawlada ayaa muddo kordhin labo sano loogu daray,iyadoo fal celin badan ka timid muddo kordhintii la sameeyey.