AMISOM & Mas’uuliyiin katirsan Koonfur Galbeed Oo kulmay Baraawe

0

177935814 4098763683539029 7746562995072233118 N

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada kala gedisan ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan OChom. Waxayna kawada hadleyn xoojinta wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlaha lagu sugayo Amniga Magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM, Colonel Jonathan OChom xilka culus ee loo magacaabay, waxuna ugu mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed.

175682847 4098764593538938 6762359787694354841 N

176702907 4098764016872329 603735262705405167 N
177695524 4098764300205634 6707815755951803351 N

177713398 4098763850205679 4709888046491271719 N

177744422 4098763776872353 4091370172332078282 N

177853522 4098764203538977 5694261220274202410 N

177935814 4098763683539029 7746562995072233118 N

178103613 4098764406872290 4041210480453895281 N

178362289 4098764110205653 8456497596666636711 N