Dhageyso: Xildhibaano udigay Xubnaha Beesha Caalamka

0

Jeesow

Shir lagu taageerayey in Dalka Doorasho Qof iyo Cod ka dhacdo,islamarkaana Xubnaha la dhacsan siyaasada Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galeen ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Khudbad jeedinta Kulankaasi waxay ubadneyd taageero muujinta Madaxda Dalka Hadda hogaamisa,islamarkaana ay sheegeen in dalka xilligaan ubaahan yahay doorasho dadweyne,taas oo ka dhigan inay diidan yihiin dhinacyadaasi midii dadbaneyd ee Dalka lagu soo dhisayey Baarlamaanka.

C/raxmaan Xaaji Ibraahim Ibbi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka digay ku dhex milanka Siyaasada Soomaaliya iyo fara tugaaleynta ay Beesha Caalamka ku heyso,taas uu ku tilmaamay mid xad gudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.


Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa kulankaasi ka hadlay waxa uu carabka ku adkeeyey inaysan aqbali Karin fara gelinta qaawan ee Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan Golaha Shacabka muddo labo sano ugu dareen Dawlada inay sii shaqeyso si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.