Sargaal Katirsan Meliteriga Oo lagu dilay Muqdisho

0

Biskoolad 1

Koox hubeysan ayaa Degmada Hodan ku toogatay Sargaal katirsanaa Ciidamada meliteriga Soomaaliya,iyadoo gacan ku dhiiglayaasha ay baxsadeen dilka kadib.

Falkaan lagu khaarajiyey Mahad Gubaay xilli uu kusugnaa meel kudhaw Xaafadiisa Ex Control Afgooye.

Dilka ayaa waxa sheegtay inay ka dambeeyeen Al Shabaab.

Falalka dilalka Qorsheysan ee magaalada Muqdisho ka dhacayey Bisha Ramadaanta,iyadoo lasoo tebinayo in ciidamada Amaanka ay feejignaan ku jireen maalmahaan.

Khamiistii Maalin ka hor Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa amray saraakiisha Nabad gelyada qaabilsan inay feejignaan badan sameeyaan.