Dhaq dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda oo laga dareemayo Muqdisho

0

178513349 4182062521814222 5485060597585069174 N

Ciidamo Militari ah oo xalay Saqdhexe kasoo baxay Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa saakay soo gaaray duleedka Degmada Kaaraan ee magalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Saraakiisha ciidamadaas ay la hadlaan warbaahinta, una cadeeyaan inay kasoo horjeedaan Muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo.

Korneel Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale ayaa hogaanka u haya ciidanka oo wata ku dhowaad 50 gawaarida dagaalka.

Warar ayaa sheegaya in Taliyaha xoogga Odowaa Yuusuf Raage uula hadlay saraakiisha ciidamaaas hogaamiya, in ay dib u laabtaan lakin wali xal kama uusan soo bixin.