Howshii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,oo isbadelo jiraan xilli shaqaaqo…

0

Capture

Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa Guddi u saartay shaqaaqo Khamiistii ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa lagu cadeeyey in guddigan ay baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameyn doonaan dhacdadii ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Afar qofood ayuu ka kooban yahay Guddigaan waxaana Gudoomiye looga dhigay Maareeyaha Hay’ada Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan.

Sidoo kale Xubnaha ku jira Guddigaan ayaa kala ah:

Cabdi Aadan Xuseen

Gaashaanle Dhexe Ciise Maxamed Ciise

Dhamme Maxamed Cali Maxamed

Madaarka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa 22 kii bishan waxa ka dhacay gacan ka hadal u dheexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda.

Falkaasi oo aan rasaas la isku adeegsan ayaa wuxuu mudda kooban hakiyay shaqadii waaxda socdaalka ee garoonka, iyadoo muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada uu muujinayay burburka muraayado qeybta ay ka soo degaan diyaaradaha caalamiga ah ee garoonka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in wax saameyn ah ku yeelan howshii Garoonka shaqaaqadii dhawaan islamarkaana Diyaaradaha ay si caadi ah usoo degayaan una dhoofayaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa cod dheer ku sheegay inaan la aqbali doonin tii khamiistii dhacday oo kale inay soo laabato,xilli baaritaan lagu bilaabay shakhsiyaadkii falkaasi ku lugta lahaa.