Koonfur Galbeed oo dhiseysa Golaha Deegaanka Degmada Waajid

0

Lafta Gareen2 696x464 696x464

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo Kaashaneyso Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku dhiseyso Golaha deegaanka ee degmooyinka hoostago Maamulka Koofur Galbeed.

Ergada soo xulayso xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Waajid ayaa yeelanayo kulankoodii ugu horeeyay si hore loogu sii wado dhismaha golaha deegaanka.

Qeybaha ay ka kooban tahay bulshada deggan waajid ayaa ku Heshiiyay awood qeybisaga saamiyada ,waxaana dhawaan la filayaa in la soo xulo xildhinadda si ay udoortaan Guddoomiyaha Degmada.

Horay ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed ugu guuleysatay in ay dhisto golaha deegaanka ee Degmooyinka kala ah Xudur , Diinsoor iyo Bardaale.