Dhageyso: Wasiir Xundubeey Oo Ku dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Mucaaradka

0

Capture

Wasiirka Amniga Gudaha oo daqiiqad ka hor warbaahinta Qaranka La hadlay ayaa sheegay in Dawladu uu dulqaadkii ka dhammaaday si maldahana ugu dhawaaqay in Duulaan ay qaadi doonaan.

Waxa uu ku goodiyey in taallabo ay ka qaadi doonaan mucaaradka Dhufeysyada ciidan ka sameystay Xaafado ka mid ah Muqdisho ee Dawlada kasoo horjeeda.

Tan ayaa ka dhigan in Dawladu isku diyaarinayso inay dagaal la gasho ciidamada mucaaradka Ee Maanta Aag ka sameystay Xaafada Siigaale Ee Degmada Hodan.

Hadalka Wasiirka oo u ekaa hanjabaad waxaa ka muuqatay baaq loo diray shacabka oo ah inay iskaga guuraan goobaha ay ciidamada ka soo horjeeda joogaan.

Barakac ayaa jiray Saacadihii lasoo dhaafay oo ay Mucaaradka dadka ku amrayeen inay qaxaan si aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaal dhaca.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA