Itoobiya oo taageertay Qorshaha Farmaajo Ee dagaalka Muqdisho

0

178631646 303857201109611 880421534784736451 N

Dawlada Itoobiya ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qul qulatooyinka ka jira maalmahaan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda waddanka Itoobiya Dina Mufti oo wax laga weydiiyey xaaladda Muqdisho ayaa yiri:

“Wax walba oo dalka Soomaaliya ka dhaca saamayn ayay ku yeelanayaan Itoobiya, xaaladda Muqdisho ka soo cusboonaatayna waan la soconaa”

Danjire Dina Mufti ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo is faham laga gaaro doorashada.

Dawlada Itoobiya ayaa saaxiib dhaw la ah Madaxweyne farmaajo,waxaana ay hiil iyo hoo la garab istaageysaa dedaalka loogu jiro in dalka doorasho qof iyo cod la gaarsiiyo.

Muddo kordhinta Labada Sano ee Farmaajo gaaray dhawaan ayey Itoobiya Si dadban utaageertay.