Soomaaliya Oo Cadaadis saareysa Dawlada Mareykanka

0

Usa 1132x670

Wasiirka arimaha dibada Soomalia Maxamed Cabdirisaaq Abuukar ayaa maanta ka dagaya caasumada Waddanka Maraykanka ee Washington Dc.

Safarka Wasiirka ayaa la sheegay inuu yahay sidii loo dhameyn lahaa walaaca ay Dawlada maraykanka ka muujisay go’aankii Baarlamanka Soomalia ay gaareen 12-kii bishaan Ee muddo kordhinta ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uxilsaaray Wasiir C/risaaq in uu la xaajoodo Dawlada Joe Biden kana dhaadhiciyo qorshaha Labo sano ku darsiga La sameeyey si dalka Doorasho qof iyo cod loo aado.

Waxa kale oo jira  xogo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in dawlada maraykanka xaga tellphone-ka horey looga dhaadhiciyay inay aqbasho go’aanka Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana ay Soomalia kala shaqeeyaan doorasha one man one vote ah.

Wakiilo ka socda Aqalka Cad ayaa la kulmi doona Wasiirka oo xubno diblomaasiyiin ah ay la socdaan si ay uga baaraan degaan meel marinta ujeedka socdaalkooda Mareykanka.

Arintaan ayaa so af-meeri doonta buuqa beesha caalamka ee ugu tunka weyn yihiin UK,USA, Midowga Yurub & waliba Midowga Africa.

Tani ayaa sidoo kale uriixeysa Soomalia mid u noqon doonta taariikh cusub oo siyaasaded & Mid geesinimo leh hadii qorshaha la dejiyey uu hirgelo.