Dhul gariir saaka oo Arbaco ah ku dhuftay Dalka Hindiya

0

A9b5479d69ec4e718bc43861ef557a93

Dhul gariirkaan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.0 ayaa ku dhuftay Saaka oo arbaco ah qeybo ka mid ah Dalka Hindiya.

Faah faahinada hordhaca ah ayaa sheegaya in dhul gariirkaasi ahaa,mid bur bur ugeystay dhismaasha,balse weli lama soo tebin khasaaro nafeed oo ka dhashay.

Meel ku dhaw Magaalada la yiraahdo Dhekiya juuli uu dhul gariirka saameyn ku yeeshay,waxaana magaaladaasi ay udhaw dahay Magaalada muhiimka ah ee Guwahaati.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhul gariir ku dhufto qeybo ka mid ah Dalka Hindiya,iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale udhacay.