Shir Soomaaliya ka qeyb galeyso oo ka furmay Caasimada Dalka Uganda

0

Somali 696x522

Shirka oo ay ka soo qeybgaleen dhallinyaro ka kala socota dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, SouthSudan, Ugandha, iyo Suudaan ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada entebbe ee dalka Uganda.

Mas’uuliyiin ka tirsan urur goboleeda IGAD ayaa ka qeybgalay furitaan shirka oo looga goleeyahy sidii loo helin madal nabadeed oo ay yeeshaan dhalinyarada gobolka.

Halku dhigga Shirka ayaa sanadkaan waxaa loo doortay “Dhallinyarada waa wadayaasha Nabadda”

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu sarayaa sidii dhalinyarada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhiiragelinta nabadda gaar ahaan dalalka ay colaadaha ka jiraan ee gobolka.

Wakiilo dhalinyaro ah oo ka socda wadamada xubnaha ka ah IGAD ayaa ku sugan madasha, si ay u aas aasaan gogol nabadeed oo lagu xoojinayo nabada, amaanka iyo xasiloonida gobolka.

Gobolku wuxuu leeyahay dhalinyaro farabadan oo is kucelcelis 60% ka ay da’doodu ka yar tahay 25 sano.