Duqa Muqdisho Cumar Filish Oo Maanta ka hadlay..

0

180539159 2867851070120300 4506313361451176923 N

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaa  uu Hambalyo u diray dhamaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha iyo Howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar.

Duqa Caasimada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku amaanay shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar Howsha adag oo ay u hayaan Bulshada, Asigoona sheegay in uu ku dadaali doono dhowrista xuquuqdooda, horumarinta xirfadahiida iyo abuurista fursado shaqo oo ay helaan dhalinta Gobolka Banaadir ee Caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan Caafimaad qab iyo Horumar, Asigoona dhinaca kale kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan Adeegyada Muhiimka ah oo ay u hayaan shacabka si loogu dhabeeyo qorshaha fog ee Caasimada isla markaana loo helo Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.