Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Shaqaalaha Hirshabeelle kadib munaasabadda 1-da May oo ku beegan maalinta Shaqaalawaynaha adduunka.
Madaxweynaha ayaa munaasabadaan darteed ugu hambalyeeyay Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hirshabeelle oo had iyo jeer u taagan u shaqeynta bulshada iyo horumarka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa balanqaaday in la kordhin doono tirada shaqaalaha Hay’addaha Dowladda, shaqo abuurna loo sameyn doono dhalinyarada si looga faaideeysto waxtarkooda.