Madaxweyne Farmaajo oo doorashada Howsheeda ku wareejiyey Rooble

0

Rooble 1 696x537 1

Khudbada Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad qaadatay labaatan daqiiqo ayaa waxa uu kaga hadlay Hormadkii ay gaartay Dawlada Soomaaliya,Amniga Dalka iyo Doorashada sida wax looga bedelay Qaraarkii hore loo gaaray.

Farmaajo ayaa sheegay in wixii Doorashada quseeya ay Xukuumada Xil gaarsiinta la wareegtay uuna hogaamin doono Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu fariin udiray murashaxiinta iyo siyaasiyiinta Mucaaradka isagoo ugu baaqay inaysan Colaad waxba soo kordhin doonin.

In dagaal laga abaabulo Caasimada ayuu ka digay Madaxweyne Farmaajo,sida muuqatana waxay Mucaaradka dan u arkaan Rooble oo howshii Doorashada lagu wareejiyey.

Waxay aheyd mid lawada sugayey arinta Farmaajo iclaamiyey ee ah in Doorashadii dadbaneyd loo laabto muddo kordhintii la sameeyey ayaana weli si cad loo sheegin,in laga noqday iyo in kale.

NAGA FILO KHUDBADA FARMAAJO INSHA ALLAAH