DHAGEYSO: Rooble Oo xilka qaadis ugu hanjabay saraakiisha ciidanka

0

Capture

Shirkii jaraa’id uu xalay Qabtay Wasiirka Koobaad Ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu kaga hadlay Shan Qodob oo muhiim uu u arkayey.

Ugu horeyn Mahad naq uu ujeediyey Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka sida ay Xukuumada ugu igmadeen Arimaha Farsamo iyo qabashada Doorasho loo dhan yahay,isagoo sheegay Rooble inay dedaal badan ku bixin doonaan Amaanadaasi loo dhiibay inay kasoo dhalaalaan.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa cod dheer ku sheegay inay ka xun yihiin fadqalaladii Xamar ka dhacday ee dadka lagu barakiciyey,islamarkaana Xukuumada ay dooneyso inay nabada ka shaqeeyaan,oo doorasho dalka laga qabto.

Sidoo kale Rooble ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Amniga ee qaarkood dhufeysyada ka sameystay Muqdisho meelo ka mid ah ah ay ka baxaan dibna ugu laabtaan Xeryahooda.

Ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Fariin udiray Siyaasiyiinta Mucaaradka,isagoo dhanka kale Madaxda Dawlad Gobolleedyada ugu baaqay inay udiyaar garoobaan Qabashada Shir looga tashanayo Doorashada iyo qaabkeeda,ayna ku saleyn doonaan heshiiskii 17-kii September la gaaray.

HALKAAN HOSOE KA DHAGEYSO CODKA