DHAGEYSO: Sidee Loo dilay wiilashii Masaajidka ka tujin jiray Ee Walaalaha Ahaa?

0

2

Dhacadadaan Naxdinta Leh ayaa ka dhacday Magaalada Kansas Ee Dalka Mareykanka Sabtidii Shalay weliba Maqribkii kadib ayuu falka dhacay.

Marxuumiinta oo ahaa Xaafidul qur’aan ayaa waxay Masjid lagu magacaabo Towfiiq ka tujin jireen Salaadaha taraawiixda iyo kuwa Faralka ah.

Da’dooda ayaa waxay kala aheyd 12 jir iyo 16 jir sida ay xaqiijiyeen dad garanayey Wiilashaasi.

Xilli Gurigooda hortiisa ay joogeen ayaa waxaa ku toogtay walaalkood ka wayn oo dhawr iyo 25 jir ah da’diisa lagu sheegay.

1
1

Wiilashan hooyadood & aabahood siyaabo aad u naxdin badan ayaa lagu kala dilay wax 10 sano ka yar.

Booliska Magaalada Kansas ayaa Toogtay sida la sheegay Gacan ku dhiiglaha dilay Labadaasi Wiil ay walaalaha ahaayeen.

Weli baaritaano ayaa socda sababta keentay khaarajintaasi,waxaana falka dilka markii uu dhacay istaagay isku socodkii Ganacsiga Soomaalida Ee Xaafada dilka uu ka dhacay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA