Axmed Madoob & Siciid Deni oo diiday inay yimaadaan Muqdisho

0

114206547 Cef25194 Dbc2 4c74 Bae5 291f6a530ac4

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qaxdaani ayaa maanta oo isniin ah sida qorshuhu yahay la kulmi doona Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor qoor.

Sidoo kale warar ay heshay Nation Media ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa isagana maanta la filayo inuu soo gaaro Muqdisho, si uu ula kulmo Ergeyga Qatar Al Qaxdaani.

Al-Qahtani ayaa Shalay illaa xalay waxa kulamo gaar gaar la yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyeyaasha labada Aqal iyadoo faah faahin aan laga helin waxa kasoo baxay Shirkii Madaxweyne Farmaajo, la qaatay.

Dhinaca kale Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta Nation usheegay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay uga cudur daarteen Al Qaxdaani inay Muqdisho yimaadaan si ay ula kulmaan Wafdiga Qatar.