DHAGEYSO: Puntland Shan Qof oo Xukun Dil ah ku riday

0

Makamad Puntland Cqs

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa ku xukuntay shan qof xukun dil ah kadib markii lagu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.

Dhagaysiga dacwada raggan ayaa ka socotay muddo labo cisho ah magaalada Gaalkacyo,iyadoo lasii daayey Afar qof oo dembi lagu waayey.

Gudoomiyaha Maxkaamda Puntland Ee Gobolka Mudug C/llaahi Shire ayaa ku dhawaaqay Xukunka.

21-kii bishii hore ayaa sidaan oo kale Maxkamada Gobolka Mudug ay Xukun Dil ah ku riday shan xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA