Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu ka warbixiyey kulan aalada Zoom-ka maanta kaga qeyb galay.
Shirkaan waxaa looga hadlayey Hormarada laga gaaray maaliyada Soomaaliya,iyadoo Wasiir Beyle warbixin kasiiyey saraakiisha shirka kala qeyb gashay ee ka socotay Bankiga Adduunka iyo Bankiga Hormarinta Africa.
“Maanta waxa aan ka qeyb galay shirar muhiim ah oo kala ahaa Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, waxa aan ka wada hadalnay howlaha isbadalka Maaliyadda oo wali socda iyo barnaamijyada muhiim ka ah ee ay naga caawiyaan labadaan hey’adood.
Guushii deyn_Cafinta waxa ay ummadda Soomaaliyeed u furtay #WADDOOYIN badan oo inoo horseeday faa’iido iyo horumar balaaran,ayuu yiri Wasiir Beyle”.
Hay’adaha Dhinaca Dhaqaalaha qaabilsan ayaa kulamo lagu taageerayo dib usoo kabashada Maaliyadeed Ee Soomaaliya waxay la lahaayeen muddooyinkii dambe Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.