Xukuumada oo ka hadashay Maalinta Saxaafada Caalamka

0

181329921 4208314019229358 8553180985078758192 N

Ra’iisul wasaare Rooble” Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka Awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan.

Xukuumaddeydu waxa ay ka shaqeyneysaa in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin.

Waxaa  naga go’an in aan dhowrno bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah  ee dalkeennu galayo xaalad doorasho, taas oo saxafiyiintana saareysa mas’uuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.