DHAGEYSO: Farmaajo oo la kulmay Madaxda Warbaahinta Muqdisho

0

181653842 3995228913894890 6639808195082848302 N

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortago tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xusay shaqada wanaagsan ee ay Warbaahinta Soomaaliyeed u hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada, la dagaallanka afkaarta xagjirka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyadda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA