Itoobiya ayaa maanta dhagax-dhigtay xarun cusub oo ay yeelanayaan Ciidamada Badda Itoobiya, sidoo kalena waxa ay soo bandhigtay Astaan iyo lebbis cusub oo ciidankaasi loogu talo galay.
Taliyaha Ciidamada Badda Itoobiya Gen.Jula ayaa xarunta ay ciidamada badda yeelanayaan ka dhagax-dhigey magaalada Bishoftu ee gobolka Oromada.
Itoobiya oo si weyn ugu howllan dhisidda ciidamadeeda badda sannadahan, waxay kamid tahay dalalka aan badda dhicin, hase ahaatee waxay la deris tahay Soomaaliya oo leh bad baaxad dheer.