Xukuumada oo la kulantay Maamulayaasha Jaamacadaha Dalka

0

182012893 4082350815150056 7617450139843816181 N

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta  Sare XFS Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Agaasimaga guud Wasaaradda Waxbarshadda Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa la kulmay Madaxda Jaamcadaha dalka waxayna iska wareysteen sidii loo kordhin lahaay wada shaqeynta ka dhaxeysa jaamacadaha iyo Wasaaradda Waxbarshaadda XFS taas oo dowr wanaagsana ka qaadan doonta tayeynta Waxbarshadda Sare ee dalka.

Madaxda Jaamacadaha ayaa soo dhaweysay  in ay  wada shaqen wanaagsan yeeshaan Jaamacadaha dalka,Wasaaradda Waxbarshadda XFS diyaarna u yahiin wax kasta oo lagu horumarin karo tayeynta Tacliinta saree ee dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda oo soo xiray kulanka ayaa kula dardaarmay bahda Jaamacadaha in ay ka shaqeeyaan sidii ay Waxbarsho taya leh u heli lahaayeen ardayda Somaliyeed ee dalka gudahiisa wax ku barta loona heli lahaay hab waafaqsan nidaamka Caalamiga ah ee waxbasrhadda dhowaan la sameyn doono tirakoob ku saleysan tayada Waxbarshadda Dalka.