Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in shil ka dhacay halkaasi uu geystay dhimasho waxaana soo baxaya warar dheeraad ah.
Afar Wiil oo walaalo ah ayaa Ku dhintay Barkad markii ay ku dhaceen oo ku taalla deegaanka Goljano Ee Buuhoodle, halkaas ayaana Maanta lagu Aasay.
Geerida 4-ta Caruurta ah Ee Halka mar dhintay ayaa Naxdin ku Abuurtay dadka deeganka Iyo qofkasta oo Arintaas Maqlay,
Qoyska wiilaashaasi ayaa la sheegay in ay ka naxeen shilka ku dhacay.