Axmed Madoobe Oo Arin Muhiim Ah Kala Hadlay Saraakiil Mareykan Ah

0

182362578 2045395285601362 5958071676719987208 N

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Deegaanada Jubaland.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Kismaayo waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Taliyaha Booliska Jubbada Hoose Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale, Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland General Aadan Ibraahim Goojaar iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan oo ah Taliye kuxigeenka Ciidamada Jubaland.

Shirkaasi waxaa looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga sameynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah goobaha ay ka arimiyaan Al shabaab.

Saraakiisha Mareykanka Ee Kulanka ka qeyb galay waxay Ballan qaadeen inay sii laba jibaari doonaan howlgalada ay Ciidamada SNA iyo kuwa Jubbaland ku taageerayaan qaabkii loo xoreyn lahaa deegaanada weli Al Shabaabka ka taliyaan.