Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beled weyne ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo Dagaal udhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed.
Dagaalka ayaa salka ku haya dhul beereed,galbeedka Beled weyne,iyadoo xaafada Howlwadaag laga maqlayo rasaas culus.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Dagaal beeleedka ka socda Magaalada Beled weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte cusmaan ayaa amray in ciidamada kala dhex galaan dhinacyada dagaalamaya.