Qarax Shaqaale Caafimaad Gaari ay La Socdeen Saaka lagula Eegtay…

0

Bomb Targets Health Workers In Afghan Capital Killing 1 620x460

Qarax ayaa lala eegtay gaari Caasi ah oo ay la socdeen Shaqaale katirsan kuwa qaabilsan Caafimaadka,xilli saaka oo Arbaco ah marayey Degmada Kalakan Ee Caasimada afgaanistaan Kabul.

Hal Qof ayaa dhintay seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi,sida uu warbaahinta usheegay Ferdoos Faramaaris oo ah Afhayeen u hadlay Taliska Booliska Kabul.

Baska la qarxiyey ayaa ka yimid Kabul isagoo kusii jeeday Gobolka Banjisheer,waxaana gaarigaasi la socday Dhakhaatiir,Kalkaaliyaal iyo koox caawiyeyaal Caafimaad ah.

Ilaa Hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi,hase ahaatee waxaa inta badan weerarada nuucaan ah fuliya Kooxda Daalibaan.