Warsaxaafadeed: Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka Ee Kusugan Muqdisho

0

Capture

Shir u socday maalmahaan Saraakiisha Ciidanka Badbaado Qaran ayaa lagu gaaray go’aano muhiima oo la xiriira Amniga iyo ilaalinta sharafta.

Dood dheer kadib waxey Saraakiisha Ciidanka go’aansadeen qodobadaan hoos ku xusan.

1- In si degdega xilalka looga qaado dhamaan Taliyeyaasha ay ka mid yihiin  Jeneral Odowaa, Jeneral Biixi, Fahad Yasiin,Abdullahi Kulane, Dayax Cabdi Cabdulle, Saahid Jareere, Xuseen Xoosh, Farxaan Qaroole iyo Cali Yare Wardheere.

2- In si degdega loo sii daayo Sarkaalka iyo Maxaabiista u xiran siyaasadda ee laga afduubay agagaarka Taleex habeenkii la weeraray guriga Cabdiraxman Cabdishakuur.

3- In Magdhaw buuxa ay Xukumadda Rooble ka bixiso dhimasho iyo burbur khasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo Saraakiisha Ciidanka.

4- In Jeneral Saadaq Joon loo madaxbaneeyo shaqadiisa Taliska Boliiska Gobolka Banaadir maadama uu yahay Taliyaha sharciga ah.

5- Ineysan Warbaahinta Qaranka iyo Xukumadda Federalka ee Rooble hogaamiyo labadaba Madaxweynaha Qaranka ugu yeeri karin Maxamed Cabdullahi Farmaajo balse derajadiisu tahay Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda.

6- In Taliyeyaasha cusub ee bedelaya kuwa dimbiyada dagaal geystay noqdaan kuwa isku dheeli tirin oo aan hal dhinac aheyn.

7- In Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble cadeeyo iney banaanbixi karan shacabka iyo xisbiyadda siyaasadda si ay dareenkooda ugu muujiyaan.

8- In Warbaahinta Qaranka sida TV- Radio iyo Website noqdaan kuwa tebiya wararka Xisbiyadda Mucaaradka si la mida wararka Xukumadda.

A- Haddii Ra’isulwasare Maxamed Xuseen Rooble todobaad gudahiis ku fulin waayo heshiiska kor ku xusan waxaan si ku meel gaara u joojin doonaa shaqadda Garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho.

B- Waxaan Ciidanka Amisom siin doonaa `jaanis iney todobaad gudahiis uga guuraan Villa Somalia, haddii ay diidaana baaqana waxaan u dhaqaaqi doonaa xoreynta Villa Somalia si aan uga saarno Farmaajo oo diiday inuu si sharciya uga baxo.

C- Ciidanka badbaado Qaran waxey ku baaqi doonaan in dalka galay xaalad dagaal sidaas darteed waxaan fasaxi doonaa shaqaalaha rayidka mudo shan bilood ah si loo xaqiijiyo Amniga guud ee Caasimadda.

D- Ciidanka badbaado Qaran ma noqon doonaan Arri hadba Mooro laga didsho sidaas darteed waxey Ciidankeenu ku negaan doonaan difaacyadooda si aan u xaqiijino dhab ahaanshaha inuu Ra’isulwasare Rooble leeyahay awood uu xilalka uga qaado Taliyeyaasha.

E- Ciidanka badbaado Qaran waxey mahadnaq balaaran u dirayaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan bulshadda Banaadir oo taageero baaxadweyn la garab istaagay.

1

2