Maxaa kasoo baxay Shir ka dhacay Maanta Xarunta G/Banaadir?

0

182937328 4089607291091075 3435647638340375617 N

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamuud (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar-dar gelinta Howlaha Nadaafada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho maadaama la guda galay xilli roobaadyo isla markaana maalmo ay naga xigaan Maalinta Ciida Soonfur. Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay sare u qaadida dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar.

Mas’uuliyiinta Degmooyinka qaarkood ayaa laga dhageystay warbixin looga hadlayey amniga iyo Arimaha Bulshada Degmoooyinka ay maamulaan.

Waxa la isku dar daar wariyey adkeynta Amniga si looga feejignaado falal Argagaxisadu soo qaadaan,wada shaqeyn dhawna lala yeesho Shacabka.