DHAGEYSO: Duqa Muqdisho Oo Deeq gaarsiiyey Qoysaskii Roobka Ciyaalkooda ku waayey

0

183373049 4222680021126091 8852349067501502420 N

Iyadoo Habeen hore Roob dadka iyo duunyada ku qabowsadeen Caasimada Muqdisho iyo duleedkeeda ka da’ay ayaa hadana waxaa jira dad saameyn uu ku yeeshay Roobka.

Muqdisho waxaa qoys keliya ay waayeen Shan carruur ah oo daad ugu galay gurigooda ku geeriyoodeen.

Sidaas oo kale carruur ayaa qoys kale uga dhinteen dhacdo la mid ah taasi oo guryahooda biyo ku fatahay.

Qaar ka mid ah Waalidiinta Carruurtooda ku waayey Roobka ayaa ka waramaya sida ay wax udhaceen.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish,ayaa xalay booqday Eheladaasi,waxaana uu gaarsiiyey deeq caawinaad ah,isagoo ballan qaaday inay ka maamul ahaan ka warqabi doonaan,taas badelkeedana ugu baaqay in la feejignaado oo carruurta laga warqabo xilliyada roobka.

Inta badan xilli roobaadka Muqdisho oo biyo daadad ah soo rogmadaan waxa khasaaro uu gaaraa dadka aan degganeyn Guryaha biyaha celin Karin,haba ubadnaadaane dadka danta yar.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA