Ruushka oo ka hadlay waxtarka talaalka covid 19 uu soo saaray

0

Russian President Putin Records Video Address On Start Of Final Stage Of Night Hockey League

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dhawaajiyey in tallaalka uu soo saaray dalkiisa uu yahay mid la isku haleyn karo sida hubka AK 47.

Wuxuu hadalkan ka sheegay xilli uu Khamistii shir la lahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Ruushka Tatyana Golikova.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saraakiisha caafimaadka dalkaas ay diiwaangeliyeen tallaal looga hortaggayo cudurka Karoona kaas oo loogu magac daray Sputnik Light.

Waxa uu sheegay in ay ku dedaali doonaan,sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayeen qaadashada Cudurka covid 19.