Xoghayaha QM Oo ka hadlay Dib usoo celinta xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya

0

Antonio Guterres

Xoghayaha Guud Ee Qaramada midoobeey Antonio Gutteres ayaa waxa uu ka hadlay dib usoo celinta Xiriirka ka dhaxeeyey Dalalka Soomaaliya & Kenya.

Gutteres ayaa kaga mahad celiyey dawlada Qatar inay qaadatay Doorkeeda ku aadan in ay heshiis ka dhex abuurto Waddamada diblomaasiyadooda xumeyd.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Gutteres ayaa waxa Afhayeenkiisa Stephane Dujarric,sheegay in Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya heshiiskooda ay ka dhigan tahay mid muhiim ah xilligeedana kusoo aaday.

“Dhex dhexaadinta Qatar,waxay ka micno tahay inay muujiyeen doorkii loo baahnaa taas oo keentay inay dib usoo celiyaan Diblomaasiyadii xumaatay,ayuu yiri Antonio Gutteres”.

Qaramada Midoobeey ayaa ku tilmaameysa Heshiiskaasi laga gaaray khilaafkii jiray mid uu sahli karo in Xasiloonida Gobolka uu hagaagi karo.

Tan iyo markii 29-kii November 2020-kii uu go’ay Xiriirkii udhaxeeyey dhinaca diblomaasiyada Dalalka Kenya iyo Soomalaiya ayaa waxa adkaaday adeegyo labada Muwaadiniin ay ubaahnaayeen oo ganacsiga iyo Safarada ay ugu muhiimsaneyd.