Doonyo 500 Tahriibayaal la socdeen oo gaaray Xeebaha Talyaaniga

0

Xmhg7fv4o5lori44rced776aha

Afar doon oo ay la socdeen tahriibayaal gaaraya 500 Qof ayaa gaaray Xeebaha Talyaaniga gaar ahaan Lambaduusa halka loo yaqaano.

Maraakiibta Italy ayaa bad baadin usameeyey Doonyaha qaar oo ku sigtay inay qalibmaan.

Hal doon ka mid ah waxa la socday 325 qof iyadoo labo doon kale ay midna 98 saarnaayeen halka tan kalena ay 16 qof la socdeen.

Wakaalada Wararka ANSA ayaa tebisey in rag iyo dumar ay ku jiraan dadka Lambaduusa ka degay,kuwaas oo badda madeteeniyaanka ka gudbay safar dhib badan.

Waxaana ay Tahriibayaashani ka kala yimaadeen Xeryo ku yaalla Liibiya iyo Tunisiya oo mukhalasiin doonyo kasoo saareen.