Xasan Sheekh & Shariif oo ka shiray Doorashada Dalka ka dhaceysa

0

184373201 1151843101893457 8301176448587445871 N

Madaxweynhii hore dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan Xoghaya Guud iyo hoghayeyaasha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda xisbiga himilo Qaran ayaa xalay hoygiisa ugu tegay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaasi ayaa looga wada hadlay sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiskii uu hoggaaminayay Ra’isulwasaaraha XFS iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka loo ballansan yahay 20-ka May iyo arrimaha la xiriira howlaha doorashada.

Labada Madaxweyne oo murashaxiin ah ayaa mar kale doonaya inay xukunka kusoo laabtaan,iyadoo loo arko inay kaalin weyn ku leeyihiin arimaha siyaasada iyo doorashada la filayo inay qabsoonto.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo dhawaan ka hadlayey Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa waxa uu ka codsaday Madaxweyanyaashii hore inay ka gacan siiyaan Arimaha Doorashada iyo hirgelinteeda.