Dad Qaba Cudurka Covid 19 oo webi lagu daadiyey Si Kas Ah Dalka…

0

Thumbs B C 9b43f8ac2978724cd1665892216f7440

Wararka laga helayo Dalka Hindiya ayaa sheegaya in webi ku yaalla Halkaasi ku dhinteen dad lagu riday.

Akhbaaraadka la helay ayaa sheegaya in dadkaan ahaayeen bukaano la xanuunsanayey covid 19 kuwaas oo loo maleynayo in si kas ah webiga loogu tuuray.

Labaatameeyo qof ayaa meydkooda laga soo saaray Webiga Ganges Ee Magaalada Uttar baradheesh ayaana falkaan uu ka dhacay.

Baaritaano ayaa socda ku aadan sida ay wax udhaceen in la daba galo,iyadoo Dawlada Hindiya ay diiday ka hadalka arintaasi.

Hindiya waa dalka ugu badan ee dadka cudurka Covid 19 ku dhacay dunida,maalin keliya ayaa kudhawaad 5 kun qof cudurka laga helay,malaayiin qof ayaana cudurka hadda la il daran,xilli wejigii seddexaad cudurka la sheegay in dalkaasi ka dilaacay.