Dhageyso: Afgooye dad ciida maanta isku diyaariyey oo la xir xiray

0

Afgooye Buundada

Ciidamada Amaanka Degmada Afgooye ayaa waxay maanta joojiyeen Takbiirta salaada ciida oo ka socotay Masaajidyo ku yaalla Xaafadaha Qaar Degmadaasi.

Ciidamada ayaa tegay Xaafada If iyo Aakhiro & Baal guri oo,waxaana la xiray qaarkood maamulka Masaajidaasi.

Afhayeenka Booliska degmada Afgooye ayaa warbaahinta Usheegay in howlgalaasi ciidankooda fuliyeen.

Gudoomiyaha degmada Afgooye Aweys C/llaahi Buulaloow ayaa dhankiisasheegay in amar ka yimid Al Shabaab Masaajidaasi lasiiyey ay takbiirta ciida ku sameeyeen balse laga joojiyey.

Waxa uu gudoomiyuhu sheegay in Go’aanka Dawlada Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya hoostagaan iyagu ku dhaqmayaan wixii kasoo harana aysan Aqbali Karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale jir dil ugeysteen dad iskugu soo baxay Duleedka Afgooye oo salaada ciida inay tukadaan doonayey.

Wasaarada Diinta & Awqaafta Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in Khamiista berri tahay maalinta Koobaad Ciidul fidriga ayna 30-ka Ramadaan maanta la buuxinayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA