Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer kadis ah ku tagay qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda si uu Nadaafada Wadooyinkaas ugala xisaabtamo Maamulada degmooyinka.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali doonin nadaafaddarida kajirta qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda islamarkaana maamul kaste lagula xisaabtamayo bilicda degmadiisa.