Soomaaliya Oo cambaareysay weerarka Yuhuuda Ee Masjidka Al Aqsa

0

185295832 4235433743184052 905313796732435147 N

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balaal Maxamed Cusman, ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir ee aan caadiga ahayn.

Fadhigan oo looga hadlaayay gardarada Israel ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheikh Jarrah

Qabashada kulankeena deg-deg ah ee heer wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowlada walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin. Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo talaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.