Midowga Yurub oo 8 milyan ugu yaboohay dalal ay ku jirto Soomaaliya

0

Eu Flag 640x435

Yabooh Cusub oo gaaraya 8 Milyan Lacagta Yuurowga ah ayey Midowga Yurub ugu talo galeen ka hortega Ayax mar kale ku habsada Waddamo ku yaalla Geeska Africa.

Dagaalka lala galayo dib usoo noqoshada Ayax saameyn ku yeesha dallaga Beeraha ayey Midowga Yurub ku bixinayaan Qarash dhan 8 Milyan si loogu diyaar garoobo xaaladaasi iyo in laga feejignaado.

Agaasimaha Guud Ee Ururka Cunada iyo Beeraha Qaramada Midoobeey Hay’adeeda FAO uqaabilsan QU Dongyu ayaa waxa uu sheegay in Lacagta ay bixinayaan tahay sidii loo baajin lahaa ilaa xad ayaxaasi.

“Sanduuqa Midowga Yurub wuxuu ku dhawaaqay maalgalinta barnaamijka Ilaalinta Madaniga ah ee Yurub iyo Hawlaha Gargaarka Bani’aadamnimada (ECHO) si loo xoojiyo dadaalka joogtada ah ee Midowga Yurub ee ku aaddan xakamaynta kor u kaca Ayaxa tan iyo markii la arkay Sanadkii lasoo dhaafay 2020-kii,ayuu yiri Sargaalka u hadlay Hay’ada FAO.

Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo Midowga Yurub iyo dhamaan taageerayaasha kale sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeyb qaateen caawinaada joogtada ah ee ay ka wadaan dagaalka lagu xakameynayo aafada ayaxa, taasoo suurta gelineysa howlaha ilaalinta hab nololeedka muhiimka ah, ”ayuu yiri Agaasimaha Guud, isagoo intaa ku daray“ Dowladaha lacagta bixinaya oo kaashanaya FAO iyo dhinacyada howlgalaya waxay ku gaareen go’aan sidii horumar weyn looga sameyn lahaa xakamaynta cayayaankaan dalalka dhaca Bariga Afrika,xilli uu muujiyey in ay adag tahay xakameynta Ayaxaasi koronkorta usocda maadaama uu fara badan yahay.

Lacagtaan cusub ayaa loo isticmaali doonaa in lagu daboolo baahi walbo oo lagu yareyn karo saameynta Ayaxa oo taran badan sameyn kara roobkii da’ay dhawaana uu isagoo intii ka badan imaan karo sida warbixinta lagu cadeeyey.

Waddamada Kenya,Itoobiya,Sudan iyo Soomaaliya ayaa si gaar ah isha loogu hayaa,loogana digay inuu sameyn taban ku yeelan karo Ayaxa mar kale ku habsan kara,dallaga Beeraha la abuuray Fasalkaan.