DHAGEYSO: Dhir beeris laga bilaabay Magaalada Kismaayo

0

Capture

Si loo kordhiyo Bilicda Magaalada Kismaayo ayaa waxa wasaarada dhalinyarada waxay daah furtay olole dhir beeris ah.

Xarumaha dawlad Gobolleedka Jubbaland iyo Faras magaalaha Kismaayo ayaana dhir kala duwan lagu beerayaa si ay quruxda Magaalada ukororto.

Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland Abdiraxmaan Abdi Ahmed ayaa sheegay in 100 geed lagu talaali doono Gudaha Kismaayo.

Kismaayo oo ah Caasimada Kumeel gaarka Jubbaland ayaa ka mid ah Magaalooyinka hormarka ganacsiga sameenayey sanadihii lasoo dhaafay,iyadoo lasoo kordhiyey goobaha dalxiiska loo aado.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA