Doon hub siday oo lagu qabtay Xeebaha Puntland

0

Doon 640x480

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Hub la sheegay in Dalka Yeman laga keenay oo la rabay in weeraro qorsheysan lagu fuliyo.

Inkastoo laamaha Amniga weli faah faahin kasoo saarin howlgalkaan hadana waxaa macluumaadka la helayo sida hordhaca ah ay sheegayaan in Lagu Qabtay Xeebaha Gobolka sanaag oo doon hubka kasoo dejisey.

Deegaanka Ceelaayo ayaa waxa la sheegay in Hubkaan ka yimid Dalka yeman lagu qabtay waxaana la ogeyn sida gaarka ah meesha loo waday Hubkaasi iyo qolada ay urarnaayeen.

Waxaa iminka lagu wadaa baaritaan doonta hubka siday iyo shakhsiyaad tiradooda lasoo bandhigin oo ciidamadu gacanta ku hayaan.

Daacish ama Al Shabaab ayaa loo badinayaa in hubkaasi kusocdeen,maadaama ay fadhiisimo ku leeyihiin Deegaanada dhaca Buuraaleyda Gobollada Sanaag iyo Bari.

Howlgal dhawaan ciidamada Mareykanka ka sameeyeen meel ku dhaw Biyaha Soomaaliya waxa lagu qabtay Doon hub badan siday lamana sheegin macluumaad dheeraad ah.

Ilo Amni, waxay xaqiijinayaan in ay jiraan shabakado is biirsaday oo iskugu jira Soomaali, Yemen & Ajaaniib u dhalatay dalalka deriska la ah Soomaaliya oo doonaya in ay hub kala soo dagaan xeebaha deegaanada Puntland.