Taliye kuxigeenkii qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa u geeriyooday xalay fiidkii dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo dhawaan ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi.
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Taliye Axmed Wehliye uu xalay u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray saraakiisha ee todobaadkii hore ka dhacay degmada Waaberi.
Weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Saldhiga Booliska Waaberi 10-kii Bishaan May ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii saldhiga Booliska degmadaas Marxuum Axmed Cabdullaahi Baashane, Taliye ku-xigeenkii qeybta weliyow Cadde Marxuum Cabdi Baasid Maxamuud, Askar Boolis ah iyo shacab meesha ka dhawaa.